Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 23:38-48 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.

39. Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.

40. Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday,

41. oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.

42. Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.

43. Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?

44. Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah.

45. Oo ragga xaqa ahu waxay iyaga u xukumi doonaan sida dhillooyin iyo naago dhiig galay loo xukumo oo kale, maxaa yeelay, iyagu waa dhillooyin, oo gacmahoodana dhiig baa ku yaal.

46. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.

47. Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan.

48. Oo sidaasaan shar dalka uga joojin doonaa, si naagaha oo dhan loo baro inaanay mar dambe sidii sharkiinnii oo kale u falin.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 23