Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 1:8-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.

9. Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay.

10. Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.

11. Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda.

12. Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan.

13. Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.

14. Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.

15. Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji.

16. Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.

17. Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen.

18. Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan.

19. Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday.

20. Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 1