Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 50:12-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. kolley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan.

13. Cadhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa.

14. Kuwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay.

15. Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.

16. Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.

17. Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.

18. Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.

19. Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 50