Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 48:35-47 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.

36. Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.

37. Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.

38. Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.

39. Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.

40. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.

41. Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.

42. Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

43. Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.

44. Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.

45. Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.

46. Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.

47. Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 48