Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 43:2-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. ayaa waxaa hadlay Casaryaah ina Hooshacyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo raggii kibirsanaa oo dhan, oo waxay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Been baad sheegaysaa. Rabbiga Ilaaheenna ahu kuuma soo dirin inaad tidhaahdid, Masar ha tegina inaad halkaas joogtaan,

3. laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.

4. Markaasay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba addeeci waayeen codkii Rabbiga inay dalkii Yahuudah degganaadaan.

5. Laakiinse dadkii Yahuudah ee hadhay oo dhan oo ka soo noqday quruumihii loo kala kaxaystay oo dhan si ay dalkii Yahuudah u degganaadaan waxaa kexeeyey Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiisha ciidammada oo dhan.

6. Dadkaasu waxay ahaayeen raggii, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo gabdhihii boqorka, iyo qof kasta oo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu kaga tegey Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan, iyo Nebi Yeremyaah, iyo Baaruug ina Neeriiyaah.

7. Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.

8. Markaas Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah ugu yimid Taxfanxees, oo wuxuu ku yidhi,

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 43