Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 35:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi,

2. Waxaad u tagtaa reer Reekaab, oo la hadal, oo guriga Rabbiga qolladihiisa middood geli, waxaanad siisaa khamri ay cabbaan.

3. Markaasaan soo kaxaystay Ya'asanyaah ina Yeremyaah oo ahaa ina Habasinyaah, iyo walaalihiis, iyo wiilashiisii oo dhan, iyo qoyskii reer Reekaab oo dhan,

4. oo gurigii Rabbigana waan keenay, oo waxaan soo geliyey qolladdii ilma Xaanaan kaasoo ahaa ina Yigdalyaah oo ahaa nin Ilaah u go'ay, taasoo ku dhinac tiil qolladdii amiirrada, oo ka sii korraysay qolladdii Macaseeyaah ina Shalluum ee iridjooge ahaa.

5. Markaasaan wiilashii reer Reekaab soo hor dhigay weelal khamri ka buuxo iyo koobab, oo waxaan ku idhi, Khamrigan cabba.

6. Laakiinse waxay yidhaahdeen, Innaba khamri cabbi mayno, waayo, awowgayo Yoonaadaab oo ahaa ina Reekaab ayaa nagu amray oo nagu yidhi, Weligiin idinka iyo wiilashiinnuba waa inaydaan khamri cabbin.

7. Oo innaba guri ha dhisanina, abuurna ha daadinina, oo beercanabna ha beeranina, hana yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad wakhti dheer u sii joogtaan dalka aad deggan tihiin.

8. Oo annagu waannu addeecnay codkii awowgayo Yoonaadaab ina Reekaab oo nagu amray inaannan innaba khamri cabbin cimrigayaga oo dhan, annaga, iyo naagahayaga, iyo wiilashayada, iyo gabdhahayaguba,

9. iyo inaannan guryo aan ku degnona innaba dhisan, oo weliba annagu ma aannu lihin beercanab, ama beer kale, amase abuurba,

10. laakiinse teendhooyin baannu ku degganayn, oo waannu addeecnay, waanan wada samaynay sidii awowgayo Yoonaadaab uu nagu amray oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 35