Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 30:10-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.

11. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

12. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.

13. Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid.

14. Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen.

15. Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 30