Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 24:6-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.

7. Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.

8. Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba.

9. Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.

10. Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 24