Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 22:24-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, xataa haddii Konyaah ina Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu ahaan lahaa katuunka gacantayda midig, xataa markaas waan kaa rujin lahaa meeshan.

25. Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.

26. Oo adiga iyo hooyadaadii ku dhashayba waxaan ku dhex xoori doonaa dal aydaan ku dhalan, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

27. Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.

28. Ninkan Konyaah ahu ma dheri jabay oo la nacay baa? Ma weel aan la doonayn baa? Bal maxaa isaga iyo farcankiisiiba loo tuuray, oo maxaa loogu dhex xooray dal ayan innaba aqoonin?

29. Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.

30. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 22