Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 19:16-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

17. Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.

18. Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,

19. iyo Xafaarayim, iyo Shii'oon, iyo Anaaxaraad,

20. iyo Rabbiid, iyo Qiishyoon, iyo Ebes,

21. iyo Remed, iyo Ceyn Ganniim, iyo Ceyn Xaddaah, iyo Beytfasees,

22. oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

23. Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

24. Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.

25. Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf,

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 19