Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 16:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.

5. Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;

6. oo soohdintu waxay galbeed ka mari jirtay Mikmetaah tan ku taal xagga woqooyi, oo soohdintu waxay ka soo wareegtay oo bari ka martay Ta'anad Shiloh, oo waxay bari ka martay Yaanooxaah;

7. oo intay Yaanooxaah ka tagto ayay sii martay Cataarood, iyo ilaa Nacaraah, oo waxay gaadhay Yerixoo, markaasay ka sii baxday Webi Urdun.

8. Oo xagga Tafuu'axna soohdintu waxay galbeed ka sii martay durdurka reer Qaanaah; oo waxaa dhammaadkeedu ahaa xagga badda. Intaasu waa dhaxalkii reer Efrayim qabiilkoodii u heleen sidii reerahoodii ay ahaayeen,

9. iyo xataa kulli magaalooyinkii loo soocay reer Efrayim ee ku dhex yiil dhaxalkii reer Manaseh, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii oo dhan iyo tuulooyinkoodii.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 16