Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 14:11-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo.

12. Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay.

13. Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.

14. Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

15. Oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac; oo Arbacna wuxuu ahaa ninkii ugu weynaa reer Canaaq. Oo dalkiina dagaal wuu ka xasillay.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 14