Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 12:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,

8. xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

9. Oo waa kuwan boqorradii, boqorkii Yerixoo, iyo boqorkii Aacii tii u dhowayd Beytel,

10. iyo boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon,

11. iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish,

12. iyo boqorkii Cegloon, iyo boqorkii Geser,

13. iyo boqorkii Debiir, iyo boqorkii Geder,

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 12