Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaggay 2:8-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.

9. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

10. Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,

11. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,

12. Haddii mid darafka maradiisa ku qaato hilib quduusan, oo uu darafkiisu taabto kibis, ama fuud, ama khamri, ama saliid, ama wax kale oo cunta ah, miyey waxaasu quduus noqonayaan? Kolkaasaa wadaaddadii waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen. Maya.

13. Kolkaasaa Xaggay yidhi, Haddii mid ku nijaasoobo meyd oo uu taabto wax kuwan ka mid ah, miyaa kaasuu nijaasoobayaa? Oo wadaaddadiina waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuu nijaasoobayaa.

14. Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.

15. Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga,

16. iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.

17. Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

akhri dhamaystiran cutubka Xaggay 2