Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xabaquuq 2:7-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Kuwii ku qaniini lahaa sow haddiiba ma kici doonaan? Oo kuwii ku dhibi lahaa sow ma toosi doonaan? Oo adna booli baad iyaga u noqon doontaa.

8. Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

9. Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!

10. Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii.

11. Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.

12. Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!

13. Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?

14. Waayo, sida biyuhu badda u daboolaan oo kale ayaa dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta sharafta Rabbiga.

15. Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!

16. Adigu intaad sharaf heli lahayd waxaa ka buuxsantay ceeb, oo weliba adiguna khamri cab, oo waxaad noqotaa sida mid buuryaqab ah. Rabbiga gacantiisa midig koobka ku jira adiguu kugu soo rogman doonaa, oo sharaftaadana waxaa ku dhici doonta ceeb xun.

17. Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

18. Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'.

19. Waxaa iska hoogay kii qoriga ku yidhaahda, Toos! oo dhagax carrab la' ku yidhaahda, Sara joogso! Kanu miyuu wax bari doonaa? Bal eega, waxaa lagu dahaadhay dahab iyo lacag, laakiinse innaba neefu kuma jirto.

akhri dhamaystiran cutubka Xabaquuq 2