Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xabaquuq 1:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kanu waa waxa culus ee uu Nebi Xabaquuq arkay.

2. Rabbiyow, ilaa goormaan kuu qayshadaa, oo adna aadan i maqlayn? Dulmi baan kaaga qayshadaa, oo namana aad badbaadisid.

3. Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

4. Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.

akhri dhamaystiran cutubka Xabaquuq 1