Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 9:30-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Markii Sebul oo ahaa taliyihii magaaladu maqlay erayadii Gacal ina Cebed ayuu aad u cadhooday.

31. Markaasuu hoos ahaan wargeeyayaal ugu diray Abiimeleg, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Gacal ina Cebed iyo walaalihiis ayaa Shekem yimid, oo magaaladiina wuu kugu diray.

32. Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.

33. Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.

34. Markaasaa Abiimeleg iyo dadkii la jiray oo dhammu habeennimo kaceen, oo waxay soo gaadeen Shekem, iyagoo afar guuto ah.

35. Markaasaa Gacal ina Cebed baxay, oo wuxuu istaagay iridda magaalada laga soo galo; oo Abiimeleg iyo dadkii la jirayna waxay ka soo kaceen gaadmadii.

36. Oo Gacalna markuu arkay dadkii wuxuu Sebul ku yidhi, Bal eeg, dad baa buuraha dushooda ka soo degaya. Sebulna wuxuu ku yidhi isagii, War waxaad arkaysaa oo dad moodaysaa buuraha hooskooda.

37. Oo Gacal haddana wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Bal day, dad baa dhulka dhexdiisa soo socda, oo guutona waxay soo ag socotaa geedkii Mecooneniim.

38. Markaasaa Sebul wuxuu ku yidhi isagii, Meeh afkaagii aad ku tidhi, Waa ayo Abiimeleg oo maxaynu ugu adeegnaa? Sow kanu ma aha dadkii aad quudhsatay? Haddaba waan ku baryayaaye, u bax oo la dirir.

39. Oo Gacalna intuu baxay ayuu hor maray dadkii reer Shekem, oo wuxuu la diriray Abiimeleg.

40. Oo Abiimelegna wuu eryooday Gacal, oo isna wuu cararay, oo dad badan oo dhaawac ah ayaa kaga dhacay tan iyo iridda magaalada laga galo.

41. Oo Abiimelegna wuxuu degay Aruumaah, Sebulna wuu eryay Gacal iyo walaalihiisba, oo wuu u diiday inay Shekem degganaadaan.

42. Oo subaxdii dambe ayaa dadkii duurka tegey oo ay Abiimeleg u sheegeen wixii dhacay.

43. Markaasuu dadkii kaxaystay, oo intuu u kala qaybiyey saddex guuto ayuu duurka ku gaaday; markaasuu intuu wax fiiriyey ayuu arkay dadkii magaalada ka soo baxayay oo intuu ku kacay ayuu laayay.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 9