Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 9:23-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo Ilaahna dadkii Shekem iyo Abiimeleg dhexdooda wuxuu u soo diray jinni; oo dadkii Shekemna way khiyaaneeyeen Abiimeleg,

24. in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis.

25. Oo dadkii reer Shekemna waxay isagii buuraha dushooda u saareen rag gaadmo ah, oo iyana waxay dhaceen wax alla wixii jidkaas agtooda ah soo maray; oo taas waxaa loo sheegay Abiimeleg.

26. Markaasaa Gacal ina Cebed ayaa yimid isagoo la socda walaalihiis, oo wuxuu tegey Shekem; oo dadkii reer Shekemna way isku halleeyeen isagii.

27. Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg.

28. Markaasaa Gacal ina Cebed yidhi, Abiimeleg waa ayo? Shekemna waa ayo? Maxaynu ugu adeegna? Sow isagu ma aha ina Yerubbacal? Sirkaalkiisuna sow ma aha Sebul? U adeega dadkii reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis; laakiinse maxaynu ugu adeegnaa isaga?

29. Haddii Ilaah dadkan gacantayda hoos gelin lahaa, ogaada, Abiimeleg waan eryi lahaaye. Kolkaasuu ku yidhi Abiimeleg, Ciidankaaga soo badso oo soo bax.

30. Markii Sebul oo ahaa taliyihii magaaladu maqlay erayadii Gacal ina Cebed ayuu aad u cadhooday.

31. Markaasuu hoos ahaan wargeeyayaal ugu diray Abiimeleg, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Gacal ina Cebed iyo walaalihiis ayaa Shekem yimid, oo magaaladiina wuu kugu diray.

32. Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.

33. Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.

34. Markaasaa Abiimeleg iyo dadkii la jiray oo dhammu habeennimo kaceen, oo waxay soo gaadeen Shekem, iyagoo afar guuto ah.

35. Markaasaa Gacal ina Cebed baxay, oo wuxuu istaagay iridda magaalada laga soo galo; oo Abiimeleg iyo dadkii la jirayna waxay ka soo kaceen gaadmadii.

36. Oo Gacalna markuu arkay dadkii wuxuu Sebul ku yidhi, Bal eeg, dad baa buuraha dushooda ka soo degaya. Sebulna wuxuu ku yidhi isagii, War waxaad arkaysaa oo dad moodaysaa buuraha hooskooda.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 9