Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 5:5-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.

6. Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.

7. Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.

8. Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?

9. Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.

10. Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.

11. Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 5