Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 5:17-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.

18. Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.

19. Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.

20. Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.

21. Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.

22. Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.

23. Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.

24. Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.

25. Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 5