Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 3:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan;

2. inay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin.

3. Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.

4. Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.

5. Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

6. Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.

7. Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.

8. Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.

9. Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa.

10. Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.

11. Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.

12. Oo reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 3