cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Ninkii Reer Laawi Iyo Naagtiisii Addoonta Ahayd

1. Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.

2. Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.

3. Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.

4. Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.

5. Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.

6. Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.

7. Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.

8. Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.

9. Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.

10. Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay.

11. Oo markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno.

12. Kolkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah.

13. Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.

14. Kolkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen.

15. Markaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan.

16. Oo fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin.

17. Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?

18. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.

19. Weliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan.

20. Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.

21. Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.

22. Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.

23. Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.

24. Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.

25. Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.

26. Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.

27. Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.

28. Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.

29. Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh.

30. Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.