Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 15:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

2. Oo aabbeheedna wuxuu yidhi, Sida runta ah waxaan mooday inaad nacday iyada, sidaas daraaddeed waxaan siiyey saaxiibkaa. Walaasheeda ka yari sow kama qurux badna? Haddaba waan ku baryayaaye, meesheedii ka qaado iyada.

3. Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

4. Markaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.

5. Oo markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.

6. Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

7. Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 15