Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 12:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo raggii reer Efrayimna way is-urursadeen, oo waxay u gudbeen xagga woqooyi, oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Reer Cammoon inaad la dirirto intaad u soo gudubtay, maxaad noogu yeedhi weyday aannu ku raacnee? Gurigaagaannu kugu dul gubi doonnaa.

2. Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.

3. Oo markaan arkay inaydnaan i badbaadinayn ayaan naftayda biimeeyey, oo waxaan u gudbay reer Cammoon, oo Rabbigu gacantayduu soo geliyey. Haddaba maxaad maanta iigu timaadeen inaad ila dirirtaan?

4. Markaasuu Yeftaah soo urursaday raggii reer Gilecaad oo dhan, oo wuxuu la diriray reer Efrayim; oo reer Gilecaadna way laayeen reer Efrayim, maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen, Idinku fakad baad tihiin kuwiinnan reer Gilecaad oo ku dhex jira reer Efrayim iyo reer Manaseh.

5. Oo reer Gilecaadna waxay qabsadeen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray oo xagga reer Efrayim ahaa; oo markuu mid reer Efrayim ah oo cararay yidhaahdo, I daaya aan gudbee, waxaa dhici jirtay inay reer Gilecaad ku odhan jireen, Ma reer Efrayim baad tahay? Oo hadduu yidhaahdo, Maya,

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 12