Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 11:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.

2. Oo Gilecaad naagtiisiina wiilal bay u dhashay, oo wiilashii naagtiisuna markay koreen ayay Yeftaah iska eryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Reerka aabbeheen adigu nala dhaxli maysid; maxaa yeelay, naag kalaa ku dhashay.

3. Markaasuu Yeftaah walaalihiis ka cararay, oo wuxuu degay dalkii Toob: markaasaa waxaa isku soo ururay ciyaalasuuq, oo iyana waxay raaceen Yeftaah.

4. Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 11