Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Wacdiyahii 6:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

2. waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

3. Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

4. Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola.

5. Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale.

akhri dhamaystiran cutubka Wacdiyahii 6