Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Wacdiyahii 12:7-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey.

8. Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

9. Oo haddana wacdiyuhu xigmad buu lahaa, oo weliba dadkuu aqoon baray. Wuxuu aad uga fikiray, oo baadhay, oo isku hagaajiyey maahmaahyo badan.

10. Wacdiyuhu wuxuu doonay inuu soo helo erayo la aqbalo iyo wixii si qumman loo qoray oo ahaa hadal run ah.

11. Erayada kuwa xigmadda lahu waa sida wax wax muda oo kale, oo maahmaahyada la soo ururshayna waa sida musmaarro la adkeeyey; adhijir qudha ayaa bixiyey.

12. Oo weliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Buugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oo waxbarashada badanuna jidhkay daalisaa.

13. Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.

14. Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.

akhri dhamaystiran cutubka Wacdiyahii 12