Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 9:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, bishii kowaad ee sannaddii labaad oo ka dambaysay wakhtigii ay dalkii Masar ka soo bexeen, oo wuxuu ku yidhi,

2. Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.

3. Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.

4. Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.

5. Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

6. Oo waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda.

7. Oo nimankaasu waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku nijaasownay nin dhintay meydkiis. Haddaba maxaa nalooga celiyey inaannu reer binu Israa'iil la bixinno qurbaankii Rabbiga xilligii la amray?

8. Markaasaa Muuse ku yidhi, I suga intaan soo maqlayo waxa Rabbigu amri doono oo idinku saabsan.

9. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 9