Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 8:17-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa'iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan.

18. Oo waxaan qaatay reer Laawi intii aan qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil oo dhan.

19. Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.

20. Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

21. Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday.

22. Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

23. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

24. Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka.

25. Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 8