Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 5:8-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Laakiinse ninku hadduusan lahayn xigto xadgudubkii mag laga siiyo, markaas magta xadgudubka ee Rabbiga loo bixiyo waxaa lahaan doona wadaadka; oo weliba waxaa wehliya wanka kafaaraggudka oo isaga aawadiis loogu kafaaro gudo.

9. Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.

10. Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.

11. Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

12. Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto,

13. oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,

14. oo markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin,

15. markaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto.

16. Markaas wadaadku waa inuu iyada soo dhoweeyaa oo Rabbiga hortiisa keenaa.

17. Oo markaas wadaadku waa inuu biyo quduus ah weel dhoobo ah ku qaadaa, oo ciidda taambuugga dhulkiisa taalna waa in wadaadku qaadaa oo biyaha ku shubaa,

18. oo markaas waa in wadaadku naagta keenaa Rabbiga hortiisa, oo naagta timaheeduna ha furfurnaadaan, oo qurbaankii xusuuseedna gacmaheeda ha ku rido, kaasoo ah qurbaankii masayrka. Wadaadkuna gacanta ha ku haysto biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo.

19. Oo markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo,

20. laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,

21. markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 5