Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 4:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2. Reer Qohaad qolo qolo iyo reer reer uga soo tiri reer Laawi,

3. intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jir dhammaan intii hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.

4. Tanu waa hawshii reer Qohaad ee ku jirtay teendhada shirka. Waa inay waxyaalaha ugu wada quduusan ka adeegaan.

5. Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga.

6. Oo markaas dushooda waa inay ded ah harag adhidibadeed saaraan, oo ay ku kala dul bixiyaan maro kulligeed buluug ah, oo waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

7. Oo miiska kibista tusniintana waa inay ku kala bixiyaan maro buluug ah, oo ay dusheedana saaraan suxuunta, iyo malqacadaha, iyo maddiibadaha, iyo koobabka wax lagaga shubo, oo kibista joogtada ahuna waa inay saarnaataa,

8. oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan.

9. Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

10. Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba waa inay dhex geliyaan harag adhidibadeed oo markaas waa inay usha lagu qaado sudhaan.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 4