Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 34:7-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor.

8. Oo Buur Xorna waxaad ka tilmaansataan ilaa tan iyo meesha Hamaad laga galo, oo soohdinta dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Sedaad.

9. Oo soohdintu waxay u bixi doontaa xagga Sifron, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Hasar Eenaan. Taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi.

10. Oo soohdintiinna barina waxaad ka tilmaansataan Hasar Eenaan ilamaa tan iyo Shefaam.

11. Oo soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari.

12. Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin.

13. Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,

14. waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.

15. Labadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa.

16. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

17. Nimanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun.

18. Oo qabiil kastana waa inaad amiir kala soo baxdaan inay dalka dhaxal u kala qaybiyaan.

19. Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 34