Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 33:8-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

9. Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.

10. Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

11. Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.

12. Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.

13. Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.

14. Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.

15. Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 33