Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 33:32-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

32. Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

33. Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.

34. Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.

35. Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

36. Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

37. Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

38. Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 33