Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 33:30-47 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.

31. Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.

32. Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

33. Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.

34. Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.

35. Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

36. Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

37. Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

38. Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.

39. Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.

40. Oo boqorkii Caraad oo reer Kancaan ahaa oo degganaa xagga koonfureed ee dalka reer Kancaan wuxuu maqlay in reer binu Israa'iil soo socdaan.

41. Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

42. Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.

43. Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.

44. Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

45. Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.

46. Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.

47. Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 33