Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 33:10-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

11. Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.

12. Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.

13. Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.

14. Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.

15. Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

16. Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

17. Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

18. Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.

19. Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.

20. Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.

21. Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.

22. Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 33