Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 31:37-50 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

37. Oo Rabbiga canshuurtiisii idaha ka go'day waxay ahayd lix boqol iyo shan iyo toddobaatan neef.

38. Oo lo'duna waxay ahayd lix iyo soddon kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo toddobaatan neef.

39. Oo dameerraduna waxay ahaayeen soddon kun iyo shan boqol, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd kow iyo lixdan neef.

40. Oo dadkuna wuxuu ahaa lix iyo toban kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo soddon qof.

41. Oo canshuurtii ahayd Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado Muuse wuxuu siiyey wadaadkii Elecaasaar ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

42. Oo reer binu Israa'iil badhkoodii wuxuu Muuse gooni uga dhigay qaybtii raggii dagaallamay.

43. (Haddaba shirka badhkiisii wuxuu ahaa saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah,

44. iyo lix iyo soddon kun oo lo' ah,

45. iyo soddon kun iyo shan boqol oo dameerro ah,

46. iyo lix iyo toban kun oo qof.)

47. Oo xataa reer binu Israa'iil badhkoodii Muuse kontonkiiba mid buu ka soo saaray dad iyo duunyaba, oo wuxuu siiyey reer Laawi oo haya shuqulkii taambuuggii Rabbiga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

48. Markaas waxaa Muuse u yimid saraakiishii ahayd kun-u-taliyayaashii iyo boqol-u-taliyayaashii oo u sarreeyey kumanyaalkii ciidanka ahaa,

49. oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waan soo tirinnay ragga dagaalyahannada ah oo aannu u talinno, oo nin qudhuhu nagama dhinna.

50. Oo annagu waannu keennay qurbaankii Rabbiga, kaas oo ah wixii dahab ah oo nin waluba helay, kuwaasoo ah silsilado, iyo dugaagado, iyo kaatunno, iyo hilqado, iyo murriyado, inaannu naftayada Rabbiga hortiisa u kafaaro gudno.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 31