Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 30:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kolkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.

2. Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.

3. Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,

4. haddii aabbaheed maqlo nidarkeeda iyo dhaarteedii ay nafteeda ku xidhay, oo uu markaas iska aamuso, de markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna waa taagnaan doontaa.

5. Laakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 30