Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 26:38-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam,

39. iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam.

40. Oo wiilashii Belac waxay ahaayeen Ared iyo Nacamaan. Oo Ared wuxuu dhalay qabiilka reer Ared, Nacamaanna wuxuu dhalay qabiilka reer Nacamaan.

41. Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol.

42. Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.

43. Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.

44. Oo wiilashii Aasheer iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Yimnaah oo dhalay qabiilka reer Yimnaah, iyo Yishwii oo dhalay qabiilka reer Yishwii, iyo Beriicaah oo dhalay reer Beriicaah.

45. Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel.

46. Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax.

47. Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

48. Oo wiilashii Naftaali iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Yaxse'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxse'eel, iyo Guunii oo dhalay qabiilka reer Guunii;

49. iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.

50. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.

51. Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

52. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 26