Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 25:4-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil.

5. Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray.

6. Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda.

7. Oo Fiinexaas ina Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii markuu taas arkay ayuu shirka dhexdiisii ka kacay oo wuxuu gacanta ku qaatay waran.

8. Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil.

9. Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.

10. Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

11. Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil.

12. Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda.

13. Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 25