Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 22:7-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Markaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.

8. Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.

9. Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?

10. Markaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,

11. Bal eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 22