Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 22:13-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.

14. Markaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.

15. Oo Baalaaq haddana wuxuu diray amiirro kale oo kuwii hore ka sii badan oo ka sii derejo weyn.

16. Oo iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan.

17. Waxaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.

18. Markaasaa Balcaam jawaabay, oo wuxuu addoommadii Baalaaq ku yidhi, Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga Ilaahayga ah inaan sameeyo wax ka yar iyo wax ka badan toona.

19. Haddaba waan idin baryayaaye, Bal caawa halkan isaga hoyda, bal aan soo ogaado waxa kaloo Rabbigu igula hadlee.

20. Oo habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya.

21. Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

22. Oo Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen.

23. Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.

24. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay.

25. Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay.

26. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu hore u sii socotay oo waxay istaagtay meel cidhiidhi ah oo aan meel looga leexdo lahayn midig iyo bidix toona.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 22