Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 16:18-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.

19. Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

20. Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

21. Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.

22. Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?

23. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

24. Shirka la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, War, ka ag kaca taambuugyada Qorax, iyo Daataan iyo Abiiraam.

25. Markaasaa Muuse wuxuu u kacay Daataan iyo Abiiraam, oo waayeelladii reer binu Israa'iilna isagay soo raaceen.

26. Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine.

27. Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba.

28. Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn.

29. Haddii nimankanu ay u dhintaan sida caadiga u ah dadka oo dhan, ama iyaga loo booqdo sida dadka oo dhan loo soo booqdo, markaas Rabbigu ima uu soo dirin.

30. Laakiinse haddii Rabbigu wax cusub sameeyo, oo dhulku afka kala qaado oo uu iyaga iyo waxay leeyihiin oo dhan liqo, oo haddii iyagoo noolnool ay She'ool ku dhaadhacaan, de markaas waxaad garan doontaan in nimankanu Rabbiga quudhsadeen.

31. Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay,

32. oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan.

33. Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen.

34. Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 16