Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 16:15-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin.

16. Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.

17. Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata.

18. Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.

19. Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

20. Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

21. Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.

22. Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?

23. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

24. Shirka la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, War, ka ag kaca taambuugyada Qorax, iyo Daataan iyo Abiiraam.

25. Markaasaa Muuse wuxuu u kacay Daataan iyo Abiiraam, oo waayeelladii reer binu Israa'iilna isagay soo raaceen.

26. Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine.

27. Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba.

28. Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 16