Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 13:10-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo qabiilkii reer Sebulunna Gaddii'eel ina Soodii.

11. Oo qabiilkii reer Yuusuf oo ah reer Manasehna Gaddii ina Suusii.

12. Oo qabiilkii reer Daanna Cammii'eel ina Gemallii.

13. Oo qabiilkii reer Aasheerna Setuur ina Miikaa'eel.

14. Oo qabiilkii reer Naftaalina Naxbii ina Waafsii.

15. Oo qabiilkii reer Gaadna Ge'uu'eel ina Maakii.

16. Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.

17. Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.

18. Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin,

19. iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan,

20. iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.

21. Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

22. Oo waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.)

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 13