Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 13:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2. War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.

3. Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.

4. Oo magacyadoodiina kuwan bay ahaayeen: qabiilkii reer Ruubeen waxaa ka tegey Shammuuca ina Sakuur.

5. Oo qabiilkii reer Simecoonna Shaafaad ina Xori.

6. Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

7. Oo qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 13