cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Dabkii Rabbiga Ka Yimid

1. Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.

2. Markaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay.

3. Oo meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay.

Digaagduurka Rabbiga Ka Yimid

4. Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya?

5. Annagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii.

6. Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.

7. Oo maannaduna waxay u ekayd midhaha koryander la yidhaahdo, oo midabkeeduna wuxuu u ekaa midabka xabagta beduliyum la yidhaahdo.

8. Dadku way warwareegi jireen oo soo urursan jireen, markaasay mixdin ku daqiijin jireen, amase mooye ku tumi jireen, oo dheryay ku karsan jireen, oo moofo bay ka samaysan jireen; oo dhadhankeeduna wuxuu ahaa sida dhadhanka wax saliid lagu sameeyey.

9. Oo habeennimada markii sayaxu xerada ku soo dego ayaa maannaduna la soo dhici jirtay.

10. Haddana Muuse wuxuu maqlay dadkii oo ka dhex ooyaya qabiilooyinkoodii oo dhan, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeduu taagnaa, markaasaa cadhadii Rabbigu aad u kululaatay, oo Muusena wuu ka xumaaday.

11. Oo Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Maxaad anoo addoonkaaga ah sida xun iigu gashay? Oo maxaan raallinimadaada u heli waayay, oo maxaad ii kor saaraysaa dadkan oo dhan culaabtiisa?

12. Dadkan oo dhan ma anigaa uuraystay? Oo ma anigaa dhalay markaad igu leedahay, Iyaga laabtaada ku qaad sida aabbe u qaado ilmo caanonuug ah, tan iyo dalkii aad awowayaashood ugu dhaaratay?

13. Bal xaggee baan ka helayaa hilib aan siiyo dadkan oo dhan? Waayo, iyagu way igu ooyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Hilib aannu cunno na si.

14. Anigu ma aan qaadi karo dadkan oo dhan, maxaa yeelay, rarkan aad buu iigu culus yahay.

15. Haddaad sidaas ii gashid, waan ku baryayaaye, i dil, haddaad raalli iga tahay, oo yaanan dandarradayda arkin.

16. Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.

17. Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.

18. Oo dadkana waxaad ku tidhaahdaa, Hilib baad cunaysaane berri quduus isaga dhiga, waayo, waxaad ku ooydeen Rabbiga dhegihiisii, oo waxaad tidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Waayo, markaannu Masar joogi jirnay baa noo dhaantay. Haddaba Rabbigu hilib buu idin siin doonaa oo idinna waad cuni doontaan.

19. Oo idinku ma cuni doontaan maalin keliya, ama laba maalmood, amase shan maalmood, amase toban maalmood, amase labaatan maalmood,

20. laakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay?

21. Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan.

22. Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan?

23. Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale.

24. Markaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay.

25. Markaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin.

26. Laakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen.

27. Markaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan.

28. Markaasaa Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidinkiisa ahaa oo raggiisii uu doortay ka mid ahaa ayaa ku yidhi, Sayidkaygii Muusow, u diid iyaga.

29. Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo!

30. Markaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen.

31. Markaasaa dabayl Rabbiga ka timid, oo waxay badda ka keentay digaagduur, oo xerada hareeraheedii ayay ku soo daadisay intii maalin socodkeed ah oo dhankan ah iyo intii maalin socodkeed ah oo dhanka kale ah oo xerada ku wareegsan, oo dalka korkiisana waxay u jireen intii laba dhudhun ah.

32. Markaasaa dadkii kacay oo maalintaas oo dhan, iyo habeenkii oo dhan, iyo maalintii dambe oo dhan waxay soo urursadeen digaagduurkii; oo kii ugu wax yaraa wuxuu soo urursaday toban xomeer, oo waxay ku kala bixiyeen xerada hareeraheedii.

33. Oo intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn.

34. Oo meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Qibrood Xatawaah, maxaa yeelay, halkaasaa lagu aasay dadkii hunguri xumaaday.

35. Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.