Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 1:7-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Reer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab.

8. Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.

9. Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon.

10. Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

11. Oo reer Benyaamiinna waxaa ka iman Abiidaan ina Gidconii.

12. Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.

13. Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.

14. Oo reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel.

15. Oo reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan.

16. Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.

17. Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay,

18. oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.

19. Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.

20. Oo reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

21. intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.

22. Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 1