Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 1:38-46 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

39. intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.

40. Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

41. intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.

42. Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

43. intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Naftaali waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

44. Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.

45. Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,

46. xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 1