Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 1:12-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.

13. Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.

14. Oo reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel.

15. Oo reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan.

16. Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.

17. Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay,

18. oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.

19. Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 1